Annual Report 2013

In January 2013, with the goal of ‘harnessing the power of ideas for a better Somalia’, HIPS quickly went to work on its year-one research agenda. Thanks to the support of funders, fellows, and the Somali people, and to the determination of our committed staff members and consultants, HIPS is now recognized as a capable and credible research institute.

We have published 6 policy briefing papers and 3 research reports. We have held 9 Forum for Ideas events in Somalia and a further two events in Kenya. We have secured grants in partnership with a number of internationally recognized institutions.

Our greatest asset has been our team: staff, backers, and members of the Board of Advisors. Staff have demonstrated extraordinary commitment to the mission and vision of the organization despite the difficult working environment. Much needed guidance and support has also come from the Board of Advisors.

Despite significant progress in our first year HIPS still faces many challenges. The security situation in Mogadishu in the latter half of 2013 affected access to our most important stakeholders, the Somali people. Securing sustainable funding remains another key challenge.

As we enter our second year, we look forward to facing these challenges and building on the strong foundations we laid in 2013. Given the overwhelming support we have received domestically and internationally, and the dedication of our team, we are confident in our ability to do so.

Our Annual Report provides a full account of our activities, in 2013.

 


 

Isagoo hadafkiisu yahay inuu ‘hanto awoodda afkaarta si Soomaaliya wax loogu qabto’ ayuu Machadka HIPS ka howl billaabay ajandihiisa cilmi-baarista bishii January 2013-kii. Mahadi ha ka gaartee taageerayaashii hiil iyo hooba bixiyey, shacabka Soomaaliyeed iyo waliba howl-karnimada shaqaalaha iyo la taliyayaasha, HIPS waxaa hadda loo aqoonsan yahay xarun cilmi baaris oo tayo iyo tigaad leh.

Waxaan soo saarnay 6 qoraal oo falanqeyn ah iyo 3 warbixin cilmi-baaris ku qotonta. Waxaan Xamar ku qabannay 9 ‘Madasha Isweydaarsiga Aragtiyada’, laba kalena Kenya ayaan ku qabannay. Sanadkeennii ugu horreeyey, waxaan ku guuleysannay taageero caalami ah, annagoo kaashaneyna xarumo cilmi baaris oo caalami ah.

Hantida ugu weyn ee aan heysanno waa dadkeenna oo isugu jira shaqaale, Guddiga Sare, la taliyayaal iyo taageerayaal. Shaqaaluhu waxay muujiyeen hagar-bax aan caadi aheyn oo ay ku fuliyeen hadafka iyo hiigsiga Machadka, iyagoo ku shaqeynaya duruufo aad u adag. Taageero iyo hagid aan laga maarminna waxaan ka helnay Guddiga Sare.

Sanadkan 2014-ka waxaan naga go’an inaan caqabadahan waajahno, horumarna ku dul- dhisno aasaaskii xoogganaa ee aan sanadkii tagay dhidibbada u aasnay. Marka la eego taageerada ballaaran ee aan helnay, gudaha iyo dibadda-ba, iyo hagar la’aanta howlwadeennadeenna, waxaan ku kalsoonnahay inaan hadafkeenna gaari doonno, haddii Alle raalli ka noqdo.

Qoraal sanadeedkan wuxuu iftiimanayaa howlihii aan qabannay sanadkii 2013-ka.