Annual Report 2014

Thanks to the collective efforts of our dedicated team, 2014 was an exciting year for the Heritage Institute for Policy Studies (HIPS). Building on the previous year’s achievements, and the strategic vision set out in the last board meeting, HIPS embarked on a multi-pronged strategy of informing public policy with evidence-based output and fostering genuine discourse on key national issues.

Our work on decentralization was the highlight of 2014. The HIPS team traveled to and organized dialogues on federalism in five cities across the country as part of our National Dialogue on Federalism project. Although enshrined in the Message from the Executive Director Provisional Constitution, federalism is poorly understood in Somalia. This has created an environment conducive to conflict among communities. We were guided by the firm belief that enhancing public understanding of federalism, and fostering greater national debate on the issue, is vital for peace and stability in Somalia. In the process we also cultivated important relationships with other institutions across the regions.

We continued to foster debate between key policymakers and the Somali public through our flagship program, the Forum For Ideas. President Hassan Sheikh, former Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed and UN Special Envoy Nicholas Kay all participated in HIPS forums this year.

An important component of our policy-oriented research and analysis is the ability to measure public opinion. In 2014, HIPS developed the capacity to conduct large-scale polling and surveys. With support from our partners, we conducted two major polls in Mogadishu, both of which became the basis for widely circulated policy briefs.

Our annual report provides a full account of  our activities in 2014.

 


Dadaalka hagar la’aaneed ee xubnaha machadka awgiis, Sanadka 2014 waxa uu Machadka Heritage u ahaa sanad guuleed oo wax soosaar leh. Machadku isaga oo ka duulaya guulihii sanadkii hore iyo hiigsigii isaraatiijiga ahaa ee lagu dajiyey kulanii ugu danbeeyey ee Golaha Talinta, ayuu ku dhaqaaqay qorshe dhinacyo badan leh si uu fikrado wax ku ool ah ugu kordhiyo talada dalka, kuwaas oo ku salaysan cilmi-baaris iyo xog rasmi ah iyo in uu fududeeyo in si dhab ah looga wada hadlo talana la isaga weydaarsado arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Cilmibaarista uu machadku ka sameeyey baahinta xukunka ayaa ugu cad-caddayd shaqooyinkeenna 2014-ka. Cilmibaarayaal ka socda machadka ayaa daraasad ka sameeyey 5 magaalo, taas oo qeyb ka ahayd mashruuca Wadahadalka Qaran ee Federaalka. In kasta oo dastuurka ay ku qoran tahay federaalku, haddana Soomaaliya si dhab ah loogama fahamsana; taasina waxa ay keentay xaalad abuurtay jawi khilaaf oo ka dhex jira beelaha iyo degaanada Soomaaliyeed. Sidaas darteed ayaan cilmibaarista federaalka uga hawl-galnay annaga oo ka duulayna dareenka ah, kor u qaadista fahamka federaalka ee bulshada Soomaaliyeed iyo furidda dood-qaran oo mowduucan ku saabsan, in ay kaalin mug leh ka geysan karaan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya. Intii cilmibaarista aan ku guda-jirneyna waxaan dhidibada u sii aasnay xiriiro shaqo oo macno leh oo aan la dhigannay hay’ado kale oo dalka ku baahsan gaar ahaan jaamacadaha.

Waxaa kale oo mashuurca Madasha Heritage uu noo sahlay in aan sii wadno hirgelinta in wada-hadal uu ka dhex furno dhinacyada taladu ka go’do iyo dadweynaha Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay waxay dhammaan sannadkan ka qayb-qaateen dood-wadaagga Madasha Aragtida ee Heritage.

Qoraal sanadeedkan wuxuu iftiimanayaa howlihii aan qabannay sanadkii 2014-ka.

 

One Comment

  1. A.Abanur
    Posted April 2015 at 5:10 pm | Permalink

    ASCWW,

    Salaan ka dib, waan idin hambalyeynayaa, halkaa ka sii wada dadaalka weyn ee aad gelineysaan sida cilmiga ku dhisan ee aad ugu shaqeyneysaan Horumarka dalka guud ahaan, waxaan idin rajeynayaa Guul Inshaa Allaah, waana idinku taageersanahay Howsha aad Ummadda u haysaan.

    Wabillaahi Towfiiq

    Mr. Abukar Abanur
    The Heague (The Netherland)
    0031-622771536

Post a Comment

Your email is never published nor shared. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*
*