Residents of Mogadishu feel a lot safer and more optimistic compared to last year. That’s according to an OCVP survey of 1,664 people across Mogadishu’s 17 districts conducted between February and March this year.
The absence of clan warfare and running battles between armed groups and the Somali Government was seen as a major contributor to the improvement of security.
Still, residents were deeply concerned about regular suicide attacks, assassinations and robbery by armed groups. Moreover, the survey revealed that Mogadishu residents question the credibility of the security agencies, pointing to poor coordination, command and control. The justice system was also seen as deeply corrupt and inept to settle disputes. This has forced many residents to seek the mediation capacity of elders.
Using OCVP’s data, we prepared this Policy Brief (Download the full policy briefing) with recommendations.
Dadka ku nool caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dareemaya in xaaladdooda amni ay kasoo rayneyso, sidaa waxaa muujinaya xog uruurin ay hey’adda OCVP ka sameysay 17-ka degmo ee Xamar bilihii Feberaayo iyo Maarso, kuna wareysatay 1,664 qof.
Dadka ayaa soo roonaanshaha amniga sabab uga dhigay iyadoo ay dhammaadeen dagaalladii beelaha, iyo kuwii waaweynaa ee u dhaxeeyay kooxaha hubeysan iyo Dowladda Federaalka ah. Balse dadka Muqdisho waxay wali ka walaacsan yihiin xudgudubyo joogto ah oo isugu jira: qaraxyo, dilal qorsheysan iyo dhac ay kooxo hubeysan mararka qaarkood gaystaan. Waxay kaloo dadku saluugsan yihiin kartida. karaanka iyo isku xirka hey’adaha amniga. Hey’adaha garsoorka ayaa loo arkaa kuwa itaal daran oo uu musuqmaasuq ragaadiyey. Taas ayaa markaas ku khasabtay in dad badani ay miciin bidaan odayaasha dhaqanka, si ay u xalliyaan arrimaha qaar
Annagoo isticmaaleyna xogta ay OCVP uruurisay ayaan haddaba diyaarinnay qoraalkan kooban [Soo rogo warbixinta oo dhan] ee talooyinkana wata.
3 Comments
Waan ku faraxsanahay sidaad wax, u wadaan,@HIPSINSTITUTE, dowlada hada jirta waa bilowgii dimoqaradiyada,xornimda bulshada & fahmida nolosha sida runta ahna way wadaa dowlada”talo jeedin,@HIPSINSTITUTE waa, inaad kala kaashataan, arimaha dadkii hore, ee aqoontaa, ulahaa waxyaalaha qaarkood sida, dhaqaalaha, waxbarashada, sharciyada, iw lamid ah, waan kufarxay markaan ku arkey expertise kiina, abuukar dahir osman(abuukar baalo) waad ku mahasantiin howshiina, waxaadna ka mudantihiin dadka & dalka abaal marin.thanka you & all the best.
Garsirka masodhowo in kushaqeyo cadaallad
Sababa dartoda
1.mahaysto amaan kugutu hilkiisa
2.mahaysto masher kufilan
3.manahaystan tababar kufilan o lugukordhiyi agontoda
waxaan aad u soo dhawaynayaa in cilmi baaris dhab ah la qaado oo ku saabsan fikirka ay qabaan dadka soomaaliyeed waayo haddi sidaa la yeelo waxaan la heli waxay dadku rabaa anigu waxaan ku noolahay kismaayo waxaana ka qabaa in aad looga baaran dego federaalka waayo fikir fiican kama haysano wuxuu yahay waxaana dad badan ay qabaan inuu yahay wax nalagu qasbaayo oo dane dad kale ama maslaxada dad kale fulinaayo.
xasan
kismaayo