The Political and Civic Engagement of Somali Women

Today women in the Somali region make positive contributions to their communities by applying their knowledge, skills and financial resources through formal and non-formal political processes.  Despite having a long and diverse track record of civic and political engagement, women in the Somali region have remained largely absent from official narrated and written histories of the region. Likewise, current national debates about Somalia’s political and economic development largely discard examples of women’s contributions. This renders robust debate on women’s roles and existing contributions timely and relevant.

This policy brief lays out some ways in which Somali women address their exclusion from history and why writing is an important instrument for civic and political engagement and for combating marginalization.  We also present the multiple ways women define and enact civic and political engagements and argue that it is important to take into account the multiplicity of Somali women’s experiences when tackling questions related to their status in society and their chosen forms of engagement.

Download the full policy briefing here.


Ka qaybgalka haweenka Soomaaliyeed ee arrimaha bulshada iyo siyaasadda

Maanta haweenka Soomaalidu waxay si waxtar leh uga qaybgaleen horumarka bulshada iyagoo ku dabbaqaya aqoontooda, xirfaddooda iyo hantidooda wax ku oolka ah iyagoo adeegsanaya hannaan siyaasadeed oo rasmi ah iyo mid aan rasmi ahaynba. Hubaashii, dareenkooda ku aaddan masuuliyad iska saarista bulshada iyo qoyska wuxuu ahaa mid si xoog leh dhiirigalin ugu ah ka qayb qaadashada arrimaha bulshada ee gudaha Soomaaliya iyo dibadda labadaba. Inkasta oo haweenka Soomaaliyeed ay lahaayeen taariikh dheer oo noocyo badan taas oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqooda ku aaddan ka qaybgalka arrimaha bulshada iyo kuwa siyaasaddaba, haddana, haweenku waxay ahaayeen kuwo aan ka dhex muuqan taariikhda rasmiga ah iyo taariikhda qoran ee gobolka. Doodaha qaran ee haatan socda iyo kuwa heer caalami kuwaas oo ku saabsan Soomaaliya siyaasaddeeda iyo dhaqaalaheeda wakhtiga taagan iyo mustaqbalkaba ayaa sidoo kale si ballaaran loo hareer-maraa ka qaybgalka haweenka ee arrimaha bulshada iyo kuwo siyaasaddaba. Tan ayaana munaasab ka dhigaysa wakhti ahaan iyo muhiimad ahaanba in dood xooggan laga yeesho kaalinta haweenka iyo ka qaybgalkooda arrimaha bulshada.

Warbixintan kooban waxay soo bandhigaysaa qaababka ay haweenka Soomaaliyeed isugu dayeen sidii wax looga qaban lahaa ka reebista haweenka laga reebay xusidda taariikhda, iyo sababta qoritaanku uu ugu yahay tab muhiim ah si ay ugu hawl galaan ka qayb qaadashada arrimaha bulshada iyo siyaasadda iyo xal u helidda quursiga iyo fursad-u-diidka haweenka. Waxaan kaloo soo gudbinnay siyaabo badan oo haweenka Soomaaliyeed ku qeexaan kuna meelmariyaan ka qaybgalka arrimaha bulshada iyo siyaasaddaMarka laga hadlayo kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee bulshada iyo markii laga hadlayo sida ay u hawl-galaan waxaan tilmaannay in maanka lagu hayo in haweenka ay noocyo badan yihiin.

Soo rogo warbixinta oo dhan.